Badhan (Sahan Post):- Puntland ayaa Ciidamo u dirtay degmooyinka Dhahar iyo Badhan ee gobolada Hyalaan iyo Sanaag.
Sida wararka Sahan Post heshay ay sheegayaan ciidamadaan ayaa qeyb ka ah xasilinta iyo amniga degmooyinkaasi.
Ciidan tikniko wata oo sida la sheegay Dhahar gaadhey xalayto ayaa qayb ka ahaa ciidan loogu talo galay in ay ka hortagaan kooxo isku urursanay tuulo kamid ah gobolka Bari. Ka dib muran ka dhashay diyaarad siday qaad oo lagu xanibay madaarka Boosaaso.
Halka Ciidanka Badhan gaadhay maanta, loo diray in uu kala dhex galo ciidamo gobolka ah oo si hab beeleed ah isugu hor fadhiyey qaybo ka mid ah Badhan.
Waxa la sheegayaa in colaad dhowaan ka dhacday Dooxada Dureera oo hawsheeda mudo loo fadhiyey ay kasoo cusboonaatay dhanka magaalada Badhan.
Citinle Cawil Sarkaal lagu magcaabo ayaa hogaaminayey ciidamada saaka gaadhey Badhan, Taliyeyaha Daraawiishta Gobolka Sanaag C/laahi Cumar ayaa isna qayb ka ahaa hawlgalkan xasilinta.
Wararku waxay sheegayaan in lagu guulaystay in la kala qaado kooxihii isu hubaysnaa ee isku hor fadhiyey Badhan. Wixii war ah ee kasoo kordha halkan kala soco
Sahan News Desk
info@sahanpost.
Discover more from SahanPost - English
Subscribe to get the latest posts sent to your email.