Ceerigaabo, waa magaalo leh istaraatijiyad muhiim ah oo dhinacyo badan leh. Waxay hoy u tahay beelo kala duwan oo Soomaaliyeed oo muddo dheer wada degganaa deegaankaas, balse mararka qaar uu khilaaf ka dhex dhaco, kaasoo isu badalay dagaal saameyn ku yeeshay deegaankaas.
Is-fahamka iyo nabadda ka dhalata heshiisiinta beelahaas waxa ay xambaarsan tahay muhiimado dhowr ah, oo ay ugu horeeyaan amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, iyo siyaasadda, kuwaas oo si toos ah u saameynaya labada maamul ee Somaliland iyo Puntland.
Marka Deegaanku helo xasilooni waxay fure u tahay horumar kasta oo la doonayo in laga hirgeliyo, haddii ay noqoto adeeg Bulsho, maalgashi, ama isu-socodka dadka iyo ganacsiga.
Colaadaha beelaha waxay fursad siiyaan kooxaha hubeysan, kuwa muqaadaradka isticmaala iyo xagjirka inay ku faafaan deegaankaas, taasoo khatar ku ah labada maamul iyo Bulshada halkaas ku nool.
Nabaddu waxay xaqiijisaa in adeega dowladnimadu gaaro Bulshada deegaankaas ku dhaqan, sidoo Kalena ay xasilooni ku noolaadaan.
Ceerigaabo waa marin muhiim u ah isku xirka Gobolada Somaliland iyo Puntland, taas oo ka dhigaysa marin ganacsiyeed oo istaraatiiji u ah labada Maamul iyo dadka ku dhaqan deegaanadaas.
Nabadda Beeluhu waxay dhiirrigelisaa in isu-socodku furmo, iyadoo suurtagal ka dhigeysa in ganacsatadu helaan marin ay soo marsiiyaan Ganacsiyada u kala gooshaya Gobolada Somaliland iyo Puntland, maadaama labada Bulsho ay leeyihiin xiriir soo jireen ah oo ganacsi.
Ceerigaabo waxay hodan ku tahay dhanka Xoolaha nool, macdanta, iyo dhulka beeraha leh, balse dhammaan kheyraadkaas waxba ma tarayaan haddii khilaaf beeleed ka taagan yahay deegaankaas, wana sababta keentay in Madaxda labada maamul ay wada qaataan Heshiisiinta beelaha, si looga wada faa’iiideysto dhan walba deegaankaas.
Puntland iyo Somaliland labaduba Heshiisiinta beelaha waxay u dhiseysaa jawi wada-hadal Siyaasadeed oo fursad siin kara xal waara oo ay labada maamul ku gaaraan is-afgarad ku saleysan danaha dadka deegaanka iyo Maamuladooda.
Isimada dhaqanka ee deegaankaas waxay leeyihiin awood iyo saameyn ay ku dhex leeyihiin dadkooda ku dhaqan deegaanadaas, waxayna fure u yihiin nabad iyo xal waara in ay gaarsiiyaan Bulshadooda, Isimadaas oo ugu horeeyo Suldaan Siciid, waxay ku dhex leeyihiin Maamulada Puntland iyo Somaliland ixtiraam iyo qadarin wayn taasoo u sahlaysa in ay mar walba qayb ka noqdaan Nabada iyo Heshiisiinta Beelaha walaalaha ah.
Heshiiska laga gaaro Khilaafka Ceerigaabo waxay Puntland u sahlaysaa inay sii xoojiso xiriirkeeda Ganacsi iyo dhaqaale ee ay la leedahay Somaliland.
Heshiisiinta beelaha wada dega Ceerigaabo waxay muhiimad wayn u leedahay labada Maamul ee Puntland iyo Somaliland, waxayna si toos ah u saameynaysaa amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, iyo siyaasadda guud ahaan, waana muhiim in qof kasta oo Soomaaliyeed uu boogaadiyo Heshiisiinta Beelaha iyo isdhex galka Bulshada Walalaha ah.
Ahmed Abdirisak Dirie Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda-Puntland.
Discover more from SahanPost - English
Subscribe to get the latest posts sent to your email.