Xiriirka Sii Kordhaya ee Xuutiyiinta Yemen iyo Kooxaha Argagixisada Soomaalida oo Khatar Ku Ah Amniga Afrika

Xiriirka u dhexeeya fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen iyo kooxaha argagixisada Soomaaliya ayaa halis ku sii kordhaya, isla markaana waxa uu saameyn weyn ku yahay amni-darrada dalka Soomaaliya iyo carqaladda maraakiibta ku safra Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas. Arintaani waxaa soo bandhigay warbixin cusub oo ay soo saartay hay’ada Aries Intelligence, oo ka shaqeysa arrimaha amniga.

Aries D. Russell, oo ka tirsan hay’ada, ayaa sheegay in ay jirto caddeyn la isku halleyn karo oo muujinaya in shabakadaha xiriirka la leh Iran iyo Xuutiyiinta ay adeegsanayaan dekedaha Soomaaliya iyo waddooyinka tahriibka si ay u gudbiyaan hub u gaarayo Bariga Afrika.
“Waxa aan arkayno waa saameyn iyo joogitaan dhanka saadka ah,halkii laga filan lahaa in Xuutiyiintu si toos ah ciidamo ugu soo daadiyaan Afrika,” ayuu yiri Russell.

Russell ayaa ku sifeeyay Xuutiyiinta iyo dagaalyahanno Jihaadi ah oo ka yimid Ciraaq iyo Suuriya inay yihiin shirkado ciidan oo suuqa madow ah (PMCs) – kuwaas oo ah ururo nidaamsan oo bixiya adeegyo ciidan sida tababar, talo-bixin, iyo taageero xeeladeed.

“Inkastoo ay kooxahani ku dhisan yihiin fikrad iyo xiriiryo shabakadeed, halkii ay noqon lahaayeen shirkado raadinaya faa’iido sida kuwa Reer Galbeedka, haddana waxay u dhaqmaan sida qandaraasleyaal ama kuwo hoosaad u shaqeeya nidaamka hubeysan,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in Xuutiyiinta, oo ay taageerto Iran, ay hub siiyaan kooxaha xagjirka ah ee ka dagaalama Soomaaliya. Qalabkaas waxaa ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hubeysan, qalabka lidka diyaaradaha, iyo qalab kale oo lagu ogaaday inuu ka yimid khaywaanada hubka ee Iran.


Discover more from SahanPost - English

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost - English

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading