Puntland oo tababaro ciidan ka furtay Sanaag

Badhan, Sanaag: Dawlad Goboleedka Puntland ayaa ciidamo cusub ugu furtay tababaro magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag.

Taliyayaasha, abaanduulayaasha iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Puntland iyo kuwa Booliska, ayaa ku sugan magaalada Badhan tan iyo maalintii talaadada.

Saraakiishan kala gedisan ayaa tababar u furay ciidamo dhowr boqol gaadhayah oo lagu xereeyey xerada tababarka ciidanak ee General Green.

Tababaradan ayaa kusoo aadaya iyadoo dawlada Puntland ay filayso in ay soo afjarto dagaalka gobolka Bari ee ay kula jirto kooxda ISIS.

Waxaa la filayaa in ay dagaal kale Puntland ku qaado buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag, halkaas oo ay ku jiraan koox ka tirsan Al-Shabaab.

Dadka deegaanka iyo wax garadka ayaan xog badan ka hayn habka loo qorsheyn doono dagaalka lagu qaadayo buuraha Calmadow, iyadoo aan weli la samayn wax la tashiyo ah, dhanka deegaanka iyo bulshada gobolka.

Siyaasiyiinta iyo Saraakiisha gobolka ayaa la filan karaa in ay qayb ka noqon doonaan, hadii dagaal lagu qaado buuraha Calmadow ee Gobolka Sanaag, deegaankaas ayaa ah dhul barwaaqo sooran ah oo ku yaal meel muhiim ah.


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading