Xaalada Magaalada Ceergaabo

Ceergaabo (SahanPost):- Xaalada magaalada Ceergaabo, ee gobolka Sanaag oo beryahan marti gelineysay ergooyin isaga kala imanayey goobo kala gedisan, si nabad loogusoo dabaalo degmadaasi ayaa xaaladeedu aad isu bedbedeleysey beryahan.

Habeen hore ayaa lagu dilay magaalada nin lagu magcaabo Dawlad Xamse Abdi oo dadka deegaanka ah, dilkan ayaa xaalad amni ka abuuray magaalada.

Balse indheer garad iyo dad u kacay sidii ay xaaladu udejin lahaayeen ayaa ku guulaystay in ay qaboojiyaan mashaqadii ka dhalatay dilkaasi.

Xaalada ayaa caadi ku soo noqonaysa, waxaa laysku raacay in la aaso nin kaasi, arinka geeridiisana xal laga lagaadho.

Ceergaabo ayaa waxaa ku sugan ergooyin, iyadoo la filayo in shir nabadeed halkaasi uu ka qabsoomo, si dadka deegaanka laysugusoo dhoweeyo, balse shirkan waxaa hadheeyey dano siyaasadeed, marka laga yimaado nabada magaalada.

Sahan News Desk


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading