Puntland oo Weerartay Ku Qaaday Hogaanka Daacish

Bosaso (SahanPost): Ciidama Puntland ee kula dagaalamaya ururka Daacish buuralayda Calmiskaad, ayaa saaka weerar ku qaaday goob la tuhunsan yahay inuu ku sugnaa, hogaamiye ku xigeenkii Kooxdaas.

Ciidamada ayaa weerarka ku qaaday aaga Ceelka IL-Abbal ee buuralayda Bari, halkaasi oo lasheegay inuu ku sugnaa ninka lagua magcaabo Cabdi Faahiye, oo loo milaynayo inuu yahay hogaamiye ku xigeenka kooxda ee Soomaaliya.

Weerar mudo qaatay ayaa dhex maray ciidamada Puntland iyo Malayshiyaad la sheegay in ay difaacayeen horgjoogahan. Warar sax ah lagama hayo hase yeeshee Puntland ayaa ka sheegatay weerarka maanta guul, iyo in ay laysay qaar kamida maleeshiyaadka.

Tan ayaa kusoo aadaysa iyadoo lagu aasay Boosaaso, Nabadoon Cabdi Hayaan Saalax oo maalin ka hor ay kooxdaasi ku dishay, buuralayda Gobolka Bari.

Ciidamada Puntland ayaa ku dhowaan hal sano dagaal kula jiray kooxdaas, oo in mudo ay isku urursanaynsay buuraladayda Bari.


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading