Masar oo safiir cusub u dirsatay Itoobiya oo xiisad culus kala dhaxeyso

Addis-Ababa (SahanPost)-Madaxweynaha Itoobiya Taaye Asgedom, ayaa maanta ka gudoomay warqadda magacaabista Safiirka cusub ee Masar u fadhiya Itoobiya, Mudane Cubayda Al-Dandaraawi.

Intii ay kulanka socotay, Madaxweyne Taaye ayaa xusay in inkastoo ay jiraan arrimo farsamo oo aan weli laga heshiin, haddana labada dal ay ku xallin karaan khilaafaadkaas iyadoo la adeegsanayo kartida, dedaalka wadajirka ah iyo caqli-galnimada labada dhinac.

Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar, gaar ahaan dhinacyada warshadaha, wax soo saarka iyo beeraha, si loo abuuro fursado dhaqaale iyo horumar oo labada dal dan u ah.

Dhankiisa, Safiirka cusub ee Masar, Cubayda Al-Dandaraawi, ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Itoobiya soo dhoweynta diirran, wuxuuna ballan qaaday inuu si dhow ula shaqeyn doono dowladda Itoobiya si kor loogu qaado xiriirka diblomaasiyadeed, dhaqaale iyo midka bulshada ee labada dal.

 

 

 

 

Sahan News Desk

info@sahanpost.com


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading