
๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐ ๐ ๐จ๐จ ๐๐๐๐ง๐ญ๐ ๐๐ก๐ข๐ซ-๐๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐๐ฒ ๐๐ฎ๐ฅ๐๐ง๐ค๐ข๐ข ๐๐-๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐๐๐ ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ฌ๐ค๐๐๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐ ๐๐๐๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐ข๐ค๐
Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoominayay kulanka 26-aad ee Wasiirada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika, xili Magaalada Washington DC uu ka soconayo shirka sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka.
Kulankani ayaa diiradda lagu saaray sidii dalalka geeska afrika ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta is-dhexgalka adeegyada muhiimka u ah bulshada deegaanka ku teedaan xuduuda iyo dhul-xeebeedyada dalalka geeska, iyada oo la xoojinayo mashaariicda maalgalineed ee mudnaanta gaarka ah leh.
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.