Muqdisho (SahanPost:- Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa lixaad, kaas oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.
Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, waxaana ogolaatay 145-Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa diiday wax kaa aamusayna ma jirin, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur, (Madoobe)
Sidoo kale, Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyey warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Hanaanka Lacagbixinta Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Dib u Eegista Sharciga Ladagaalanka Burcadbadeedka iyo ka Hortaga Afduubka ee Sharci LR.36, kaas oo soo baxay 30-kii bishii April sanadkii 1975-tii.
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.