Aabaha qoyskii dhawaan lagu laayey Galgaduud oo oo saluugsan xukunka maxkamadda

Axmed Maxamuud Canshuur oo ah aabaha qoyskii dhowaan lagu laayay Gobolka Galgaduud, gaar ahaan seddex gabdhood oo uu dhalay iyo hooyadood ayaa BBCda u sheegay in uu kasoo hor jeedo isla markaasina aanu qaadaneyn xukun ay dhawaan ridday maxakamadda gobolka Galgaduud kaas oo la xiriira rag loo soo qabtay dembigaas, isagoo sheegay in sida xukunka loo riday uu madmadow ku jiray.

Maxkamadda Gobolka Galgaduud oo xukunka soo saartay ayaa sheegtay in aan la helin caddeymo dhab ah oo muujinaya in eedeysanayaasha ay geeysteen dembigaas waxaana ay dhanka kale ku xukuntay eedeeysanayaasha kala ah, Cabdi Cismaan iyo Gallad Axmed Xuseen tacsiir shan sano xabsi ah, halka Ayuub Maxamed Cabdi lagu xukumay saddex sano.

Maxkamadda ayaa sheegtay in ciddii aan ku qanacsaneyn xukunka maxkadda ay u furantahay Racfaan muddo soddon maalmood ah.

Haddaba aabaha qoyska ayaa BBCda uga warramay dareenkiisa iyo waxa uu ku diidanyahay xukunka, isagoo marka hore ka hadlaya dareenkiisa ayuu sheegay in warka ah in la dilay qoyskiisa uu soo gaaray habeen saq dhexe ah oo la hurdo isagoo jiifa meel seddex Kiloomitir u jirta xaafadda uu xabdda ka maqlay meel ku aadan xaafadda ay deganaayeen qoyskiisu kadibna markii uu xaafadda yimid u arkay dadkii xaafadda joogay ,qoyskiisa oo dhintay oo rasaas lala dhacay .

Axmed Maxamuud Canshuur waxa u sheegy in arintaasi ay ahayd arrin fool xun oo aan ku wanaagsaneyn dhaqanka Soomaaliyeed iyo diinta Islaamka ahna wax lala yaabo. Dadka dhintay ayuu ku sheegay in ay ahaayeen afar qof sedex qof iyo hooyadood, kuwaas oo kala ah Sahar Cartan Xirsi oo hooyada ah, Nuurta Axmed Maxamuud, Xaawo Axmed Maxamuud, iyo Faa’iso Axmed Maxamuud oo gabdhahiisa ah.


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading