Dawladda Poland ayaa shaaca ka qaaday in ay heshay god

Dawladda Poland ayaa shaaca ka qaaday in ay heshay god ay qoteen dadka tahriibeyaasha ah ee doonaya in ay u soo gudbaan qaaradda Yurub kaas oo laga soo dalooliyey dhinaca dalka Belarus si looga fogaado ilaalada xuduudaha ee dalkaas.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dawladda Poland Marcin Kierwiński ayaa sheegay in godkani uu noqonayo kii labaad ee sannadkan la helo taas oo cabsi dalkaas ku abuurtay maaddama oo ay astaan u noqotay xeeladaha cusub ee ay la imanayaan dadka tahriibeyaasha ah ee ka imanaya qaaradaha Afrika iyo Aasiya.
Warsaw waxa ay jaarkeeda Belarus ku eedaysay in ay muhaajiriinta ka gacan siiso in ay qotaan godadkan ay ka soo dusaan waxayna wacad ku martay in ay sii kordhin doonto ilaalada meelaha dalkaas laga soo galo.
Poland ayaa dedaal badan ku bixisay in la adkeeyo amniga xuduudaha balse waxa muuqata in mar kasta ay tahriibeyaashu beddelayaan shaxdii hore iyo waddooyinkii ay adeegsan jireen si ay u gaadhaan qaybaha kale ee qaaradda Yurub.

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading