BOSAASO: Garoonka Diyaaradaha Boosaaso ayaa lagu xanibay diyaarad siday qaad noociisa la yiraahdo Mac Isii kaas oo laga keenay dalka Itoobiya.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dowladdu ay diiday in qaadkan la geliyo magaalada, kadib markii uu suuqa ka saaray qaadka Miirowga ee laga keeni jiray dalka Kenya, kaasoo iman jiray Xilliga duhurkii, Kana Soo Degi Jiray Magaalooyinka Qardho iyo Baran.
Ilo-wareedyo ku dhow ganacsatada qaadka ayaa sheegay in lagu wargeliyay in magaalada Boosaaso aan laga soo dejin karin wax qaad ah illaa amar dambe.
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.