
Badhan (SahanPost):- Suldaan Saciid Suldaan Cabdibdisalan, Suldaanka Warsangeli ee Saldanada Waqooyiga Soomaaliya, ayaa markii ugu horeysay si toos ah uga hadlay weerarkii diyaaradaha drones-ka ee lagu dilay Nabadoon caan ka ahaa Gobolkaas. oo lagu magcaabi jirey, Nabadoon Cumar C/Laahi C/, oo 13-09 lagu dilay agagaarka Badhan.
Suldaan Siciid, oo wareysi siiyey warbaahinta gudaha iyo midda caalamiga ah, oo ay weheliyaan ururada xuquuqda aadanaha, oo dhowaan booqday goobta weerarku ka dhacay, ayaa muujiyey sida uu uga murugaysan yahay geeridii Cumar C/laahi
Suldaad Siciid oo ka hadlayay xiriirkii uu la lahaa Omar, ayaa yidhi, “Cumar wuxuu ahaa gacantayda midig, nin aan si joogto ah isula shaqeynayay dhinac kasta iyo go’aan kasta oo la xiriira gobolka. Wuxuu ahaa hogaamiye dhab ah, oo ahaa tiirarka ugu muhiimsan ee dadaallada nabadda.”
Suldaad Siciidv ayaa intaas ku daray, “Cumar wuxuu mar walba heegan u ahaa nabada deegaanka oo dhan oo aad uga shaqynayey. Ilaa iyo intii aan ogahay, wuxuu ahaa nin aan waligiis fal dambiyeed aan ku kicin, mana lagu eedeenaynin fal dambiyeed. Haddii uu denbi sameeyey, waa lasoo qaban lahaa oo la celin karay, maahayn in diyaarado loo adeegsado oo duqeeymo lala dhaco, si arxan daran baa loo dilay. Ficikan wuxuu muujinayaa nacaybka kuwa ka dambeeya dilkiisa iyo kuwii fuliyey.”
Suldaad Siciid iyo Nabadoon Cumar ayaa dhowaan ka qaybgalay wadahadallo nabadeed oo ka dhacay Bosaso, halkaas oo ay kula kulmeen Madaxweynaha Puntland Said Abdullahi Deni bartamihii Ogosto si ay uga wada hadlaan horumarinta gobolka iyo dadaallada nabadeed.
Sida uu sheegay Suldaad Siciid, labadoodaba waxay ku soo laabteen Badhan kadib wadahadalladaas, halkaas oo Cumar uu sii waday dadaalladiisa dhex-dhexaadinta qabiilada ku dagaalamay Dooxada Dureera ee Sanaag. Dagaalkaas ayaa sababay dhimashada 11 qof iyo dhaawac 9 kale.
“Ka dib kulankeenii Madaxweynaha Puntland, Cumar iyo anigu waxaan kusoo laabanay Badhan, Cumar wuxuu ku hadhay Badhan si uu u sii wado dhex-dhexaadintii beelahaas, Anigu waxaan u ambabaxy Itoobiya, isaga ayaa sii waday geedi socodka nabadda. Waxaan la hadlay isaga saacaadu markii ay ahayd 11 AM ee maalintaas la dilay Cumar,” ayuu yiri Sultan Said.
Suldaad Siciid iyo xubno ka mid ah qoyska Nabadoon Cumar, ayaa la kulmay Madaxweynaha Puntland Said Abdullahi Deni si ay u weydiiyaan sababta iyo cidda ka dambeysay dilka nabadoonka.
Madaxweynaha Puntland ayaa u sheegay inaysan wax war ah ka hayn cida sida tooska uga danbeysey dilka, wax xog ah oo horena ay ka hayn intaysan duqeyntu dhicin. Sida uu sheegey madaxeyne Deni ayaa ballanqaaday inay baadhayaan dhacdadaas.
Suldaan Siciid ayaa xusay in Madaxweynaha Puntland uu sheegay, in Cumar uusan wax eed iyo denbi toona ka oolin Puntland.
Suldaanka oo ka hadlayey sheegashada AFRICOM ee ku aaddan weerar dilka Naboonka ayaa sheegay in aysan ku falyn waraaq dhowr eray lagu soo qoray, e ay ubaahan yihiin cadayn dhamaystiran iyo sababta loodiley iyo cida ka danbaysay dilkiisa.

Waxaa jira tuhumo kala gedisan oo ku saabsan dilka caaqilka iyadoo dad lahadlay SahanPost ay sheegeen in dilka caaqilku uu noqon karo mid siyaasadi ka danbeyso. “Caaqilku wuxuu ahaa qofka keliya oo si cad uga soo horjeestay, wixii ay ka waday Dawlada Federaalklu Gobolka Sanaag, wuxuu sidoo kale qayb ka ahaa ergadii soo saartay ga´aankii isimadu ku sheegeen in ay ka tirsan yihiin Puntland, waxa Sool ka socdaana aay quseynin Sanaag. Ayuu SahanPost usheegey qof dalbaday in saman magiciisa daabicin.
Dawlada Federaalka ayaa dhaq dhaqaaqyo ka bilowday gobolada Sanaag iyo Sool, iyadoo ay saamaynta Sanaag hoos udhacday kadib markii ay kasoo horjeesteen odayaasha dhaqanka.
SahanPost News Desk
info@sahanpost.com
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.