Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta ee la heshiiyey Dowladda Federaalka

Muqdisho: Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta ee la heshiiyey Dowladda Federaalka ee ka soo jeeda Koonfur-galbeed ayaa sheegey in maanta laga hor-istaagey in ay tagaan magaalada Baydhabo, si ay halkaasi uga bilaabaan doorashooyinka qof & cod ee DFS.
Xildhibaanno la hadlay warbaahinta ayaa ku eedeeyey maamulka Koonfur-galbeed in uu diyaaradaha ku wargeliyey in aysan soo qaadi karin siyaasiyiin KGS oo ay ku jiraan Guddoomiyaashii hore ee Golaha Shacanka JFS, Maxamed Mursal & Shariif Xasan.
Raysal wasaare hore, Cumar Cabdirashiid ayaa xilligan wada waan-waan lagu dejinayo xaaladda siyaasiyiinta si aysan uga bixin garabka DFS, sida ay tilmaamayaan ilo-lagu-kalsoonaan-karo.
Maalmo ka hor ayey ahayd markii ilaa saddex xisbi-siyaasadeed ay ka bexeen garabka Dowladda Federaalka lana safteen mucaaridka, iyaga oo DFS ku eedaynaya in aysan daacad ka ahyn doorashooyinka.
Inkasta oo aysan weli Koonfur-galbeed ka hadlin arrintan, haddana haddii ay sii socoto waxa ay ka muujinaysaa in DFS & dowlad-goboleedyada taabacsan aysan isku raacsanayn hanaanka doorashooyin kaasi.

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading