Stockholm (Sagan Post):- Jaaliyada reer Maakhir ee wadanka Sweden ayaa magaalada Stockholm kusoo dhoweysey Xildhibaan iyo sarkaal ka socdeyc dawlada Puntland.
Wafdigan oo hawlo shaqo iyo xirfad iswaydaarsi dhanka baarlamaana ah ku maraya wadamada Sweden iyo Norway ayaa caawa Cashar Sharaf loogu sameeyey magaalada Stockholm.
Xildhibaan C/Casiis Axmed Dhahar (Ridwaan) iyo C/qani C/qaadir Dahir oo ah Sarkaal sare, ku xigeenka xogheynta Baaarlamaanka ayaa bulshada reer Sweden warbixin kooban ka siiyey xaalka amni, horumarka iyo hawlaha ka socda dalkii.
Saraakiishan ayaa la kulmi doona jaaliyadaha Puntland ee ku sugan Sweden iyo Norway, iyagoo safar ku aadi doona magaalada Gothenburg, isla markaa ka mahad celiyey soo dhoweynta loogu sameeyey Stockholm.
Sahan Desk News
info@sahanpost.com

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.