Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

MUQDISHO (Sahan Post):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş, oo ay la socdeen madaxda Shirkadda Favori ee maamusha Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.

Madaxa Shirkadda Favori ayaa Ra’iisul Wasaaraha warbixin ka siiyey qorsheyaashooda ku aaddan horumarinta garoonka, waxa uuna xusay in isbeddel muuqda lagu sameyn doono qeybaha kala duwan ee adeegyada garoonka, si uu ula jaanqaado heerarka caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey shirkadda Favori dadaalka ay ku bixisay horumarinta Garoonka Aadan Cabdulle, ayaa sheegay in garoonku uu yahay albaabka ugu muhiimsan ee dalka laga soo galo, loona baahan yahay in uu noqdo mid horumarsan oo leh adeegyo casri ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo xusay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Turkiga, ayaa uga mahadceliyey kaalintooda ku aaddan sidii ay Soomaaliya dib ugu soo kaban lahayd.

Dekedaha iyo madaarada Soomaaliya ayaa inta badan waxaa gacanta ku haya dawlado iyo shirkado shisheeye iyagoo loo saxiixay qandaraasyo kor u dhaafaya 50 sano, tani oo hubanti laáan gelinaysa mustaqbalka dalka iyo jiilasha danbe.

Sahan News Desk

info@sahanpost.com


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading