Xaalada Magaalada Badhan oo Caadi Kusoo Noqotay

Badhan (Sahan Post):- Xaalada degmada Badhan ee gobolka Sanaag, ayaa aad u degan ka gadaal markii amnigeeda ay la wareegeeen ciidamo Xasilin ah oo Dawlada Puntland ay dirtay.

Soo kala shaki soo kala dhexgalay malayshiyaad ka tirsan ciidamada deegaanka, ayaa sababay in xaalada magaalada hubani laáan ay gasho, hase ahaatee ciidamada amniga gobolka ee Puntland ayaa ku guuleystey inay ciidamadaas kala qaadaan.

Culimada masaajida magaalada Badhan ayaa jimcihii kusoo qaatay khudbada, muhiimada uu amnigu u leeyahay bulshada, iyadoo wax garadka iyo odayaashuna ay ka dalbadeen madaxda Puntland in wax laga qabto xaalada amni ee degmadaasi.

Hay´adaha dawliga ah iyo nidaamka dawladeen ayaan si toos ah weli uga hano qaadin magaalada Badhan, iyadoo dadka deegaanku ay ku kala baxaan habka dhaqanka iyo xeerka.

Sahan News Desk

info@sahanpost.com

Guri Degmada Badhan

 


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading