
Muqdisho (Sahan Post):- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, waxaana kulankaasi lagu ansixiyay, heshiisyo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen:-
– Xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2026.
– Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda, kaas oo ku saabsan iskaashiga socdaalka.
– Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar, kuna saabsan iskaashiga arrimaha amniga iyo la-dagaallanka dambiyada.
Shirka waxaa guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxaana lagu soo bandhigay warbixino la xiriira amniga iyo difaaca dalka.
Golaha Wasiirrada ayaa si gaar ah u bogaadiyay guulaha ay ciidanka qalabka sida ka gaarayaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, iyagoo ku ammaanay geesinimada iyo dadaalka ay u hayaan difaaca dalka iyo xaqiijinta nabadda.
Sahan News Desk
info@sahanpost.com
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.