Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Gud. Aadan Madobe iyo Gud. Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka. 2025-10-30

Muqdisho (Sahan Post):- Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, iyo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga, Mudane Saadaq Abshir Garaad, iyo xubnaha Guddiga, ayaa si diirran u soo dhoweeyay Ku-simaha Madaxweynaha.

ntii uu joogay xarunta, Ku-simaha Madaxweynaha waxaa loo jeediyey warbixin ku saabsan qorshayaasha mustaqbalka ee Guddiga iyo howlaha doorashooyinka ee soo socda, gaar ahaan qabashada doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Ku-simaha Madaxweynaha ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee xarunta oo ay mid yihiin:

– Qeybta Saadka iyo Qalabka Doorashada,

– Xarunta Tababarka Shaqaalaha,

– Qeybta Daabacaadda Kaararka Codbixinta,

– Xarunta Kaydinta Xogta (Data Center-ka).

Guddoomiyaha Guddiga ayaa uga mahadceliyey Ku-simaha Madaxweynaha booqashada iyo dhiirrigelinta uu muujiyay, isagoo carrabka ku adkeeyay in Guddiga ay ka go’an tahay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.

Dhankiisa, Ku-simaha Madaxweynaha ayaa amaanay dadaalka Guddiga iyo shaqada wanaagsan ee ay u hayaan dalka, isagoo xusay in Baarlamaanka JFS uu si buuxda u garab taagan yahay hirgelinta doorashooyin dimuqraadi ah oo lagu kalsoonaan karo.

 

Sahan News Desk

info@sahanpost.com


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading