Madaxweyne Xasan oo gaaray dalka Jabuuti

 

Madaxweyne Hassan Shiikh oo ka degen Djibuti

Djabuuti (Sahan Post):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey caasimadda Dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Halkaas oo uu uga qeybgalayo Munaasabad lagu xusuusanayo dadaalkii dowladda Jabuuti ee qabashada Shirweynihii dib u heshiisiinta Soomaalida iyo dib u yagleelidda Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo martigelinaya munaasabadda xuska sannad-guurada 25-aad ee Shirkii Nabadda Soomaaliya ayaa ku maamuustay Madaxda Qaranka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed daahfurka Xarunta cusub ee dib u heshiisiinta Geeska Afrika ee loogu magac daray Taallada Nabadda ee Carta, taas oo taariikh mugweyn ku leh Nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo dalka Jabuuti waxa uu kulamo la yeelandoona Madaxda sare ee dalkaasi, isaga oo khudbad ku saabsan guulaha mira dhalka ah ee ay Soomaaliya ka dhaxashay Shirkii dib u heshiisiinta Carta ku soo bandhigidoona Munaasabadda daahfurka xarunta dib u heshiisiinta Geeska Afrika.

Sahan Post News Desk

info@sahanpost.com

 

Maleeshiyaadka RSF oo boqolaal rayid ah ku dishay Isbitaalka El-Fasher


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading