Suldaan Siciid oo Ka Qeybgalay Shirka Jabuuti

Jabuuti (Sahan Post):- Suldaan Siciid Suldaan C/Salaan oo ka mid ah madaxda dhaqanka Soomaaliyeed, ayaa ka mid ah isimada dhaqanka ee ka qaybgelaya shirka Jabuuti.

Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo martigelinaya munaasabadda xuska sannad-guurada 25-aad ee Shirkii Nabadda Soomaaliya ayaa ku maamuustay Madaxda Qaranka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Daahfurka Xarunta cusub ee dib u heshiisiinta Geeska Afrika ee loogu magac daray Taallada Nabadda ee Carta, taas oo taariikh mugweyn ku leh Nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Suldaanka ayaa Casumaad Rasmi ah ka helay Dawlada Jabuuti, si uu uga qaybgeli shirka lagu xusayo 25 guuradii kasoo wareegtey Shrikii Nabada Carta oo ah halkii ugu horeysey ee lagu doorto madaxweyna ka socda Bulshada Rayidka ah ka dib burburkii Dawladii Militariga Soomaaliya

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya ergo kala gedisan oo isaga kala timo meelo ka  mid ah Soomaaliya iyo Caalamka.

 

Sahan News Desk

info@sahanpost.com


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading