Wasaaradda Beeraha oo Magacaabay Guddiga xog-ururin ku soo sameeya Suuqyada Khudaarta soo dhoofiya

Wasiir Oomaar 2025-10-30

Muqdisho (Sahan Post):- Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa magacaawday guddi shaqo oo lagu amray in ay muddo kooban ku soo diyaariyaan xog dhameystiran oo ku saabsan suuqyada dalka ku soo gala khudaarta iyo cuntooyinka dibedda laga keeno.

Xubnaha la magacaabay waxaa ka mid ah:

1. Maxamed Muuse Aadan  Agaasimaha Waaxda Wax-soo-saarka iyo Horumarinta Iskaashatooyinka.

2. Khadar Yaasiin Maxamed  Xubin ka tirsan Waaxda Ganacsiga Wax-soo-saarka Beeraha iyo Maalgashiga.

3. Cabdixamiid Jaamac Xasan  Xafiiska Wasiirka.

Hawl-wadeennadan ayaa lagu amray in ay soo gudbiyaan warbixin faahfaahsan oo ku saabsan habka ay suuqyada dalka ku soo galaan khudaarta iyo cuntooyinka dibadda laga keeno. Ujeedku waa in la helo xog sal u noqon karta qorshe lagu joojinayo soo dejinta aan loo baahnayn, isla markaana loo dhiirrigeliyo wax-soo-saarka gudaha iyo beeraleyda Soomaaliyeed.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu horumarinayo wax-soo-saarka gudaha, laguna yareynayo cuntooyinka tayo darrada ah ee si sharci-darro ah ku soo gala suuqyada dalka.

 

 

Sahan News Desk

info@sahanpost.com


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading