Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada oo xilka ka wareegay

Muqdisho (Sahan Post):-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka  Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Mudane Saalim Caliyow Ibrow iyo Wasiirkii hore Mudane Yuusuf Maxamed Aaden.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay in Wasaaradda  Shaqada iyo Arrimaha bulshada ay kamid tahay Wasaaradaha muhiimka u ah Qaranka isagoo u rajeeyay Wasiirka cusub inuu dhamaystiro qorshooyinka Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan horumarinta arrimaha bulshada. Iyo shaqo abuurka dhallinyarada oo qeyb weyn ka qaadan doona, hormarinta Dhaqaalaha,amniga iyo dib u dhiska.

Mudane Saalax ayaa u mahad celiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda sidii xilkasnimada lahayd ee uu ugu adeegay qarankiisa muddadii uu xilka hayey, waxa uuna Alle uga baryey Wasiirka cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee loo igmaday.

Sahan News Desk
info@sahanpost.com

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading