Labo Askari oo Ka tirsan Nabad Sugida oo La Dilay

Muqdisho (Sahan Post):- Sida la xaqiijiyey laba askri oo ka tirsan Nabad Sugida qaranka ee magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu dilay degmada Garasbaaley ee dhacda duleedka caasimada.

Sida la xaqiijiyey, dilkan waxaa u geystay labada askari, askri ka tirsan ciidamadda Gorgor oo watay qori AK47 ah, isagoo rasaas ooda ugaga qaaday labada askari kadib muran sii kala dhex galay.

Askriga Gorgorka ah ayaa hiilo ama danaani ahaan goobta u yimid waxaana soo kaxeystay qof shacab ah oo muran hore kala dhexeeyay ciidankan ka tiraan Nabad Sugida degnada Garasbaaley.

Gacan ku dhiiglaha oo isaguna ay dhaawaceen marxuumiinta ayaa haatan lagu dabiibayaa isbitaalka Madiina, isagoo gacmaha ka xiran, iyadoo la horgeyn doono hay’adaha garsoorka ee dalka.

Laamaha amaanka ayaa sidoo kale baadi-goobayaa qofkii shacabka ahaa ee soo kaxeystay askarigan Gorgorka ah ee dhibaatada geystay.


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading