Ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta si rasmi ah ugala wareegay Hay’adda Booliska Caalamiga ah (INTERPOL) eedaysane Jaamac Cabdi Maxamuud, oo lagu eedeeyay in uu geystay fal anshax-darro ah, kaas oo ka dhacay magaalada Qardho ee gobolka Karkaar.
Kala wareegidda eedaysanaha ayaa ka dhacday magaalada Garoowe, waxaana uu haatan ku jiraa gacanta Ciidanka Booliska Puntland, iyadoo baaritaan rasmi ah lagu wado si loo xaqiijiyo caddaalad buuxda iyo in sharciga si cadaalad ah loo mariyo.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Booliska ku xaqiijinayaan ilaalinta sharciga, difaacidda xuquuqda muwaadiniinta, iyo ka hortagga dambiyada lidka ku ah akhlaaqda iyo amniga bulshada.
Ciidanka Booliska Puntland wuxuu bulshada ku wargelinayaa in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana soo gudbiyaan xog kasta oo gacan ka geysan karta baaritaanka iyo ka hortagga dambiyada la midka ah.
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.