Gudiga Xuquuqul Insaanka Baarlamaanka oo Ka kulman Axdiga Xuquuqda Ubadka Africa

Muqdisho-(Sahan Post)-Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha Shacabka, Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, islamarkaana kaashanaya Hay’adda Badbaadada Carruurta ee Save The Children ayaa Magaalada Muqdisho ku qabtay kulan aqoon isweydaarsi ah oo ku saabsan Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Carruurta.

Kulanka oo ay sidoo kale ka qeyb galeen wakiillo ka socday Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Wasaaradda Cadaaladda iyo Ururrada Bulshada Rayidka, ayaa waxaa lagu soo bandhigay qodobada Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Carruurta iyo meelaha uu Soomaaliya ka khuseeya.

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Golaha Shacabka Xaawo Sokor Cali oo kulanka furtay ayaa sheegtay in labada maalmood ee uu kulanka socdo laga doodi doono qodobbada Axdiga iyo muhiimadda uu dalkeenna u leeyahay


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading