Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Oo Ka Hadlay Duqeyntii Maraykanku Ku Dilay Caaqil Cumar Gobolka Sanaag

Muqdisho( Sahan Post):- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dilkii Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi, oo lagu dilay duqeyn ay Maraykanku ka fuliyeen meel u dhow magaalada Badhan 13-kii Sebteembar 2025.

Wasiir Fiqi ayaa hadalkan jeediyay kadib markii Senator Saynab Tiinbiye, oo matasha gobolka Sanaag, ay weydiisay su’aal ku saabsan dilka caaqilka.

Fiqi Wuxuu sheegay in maamulka deegaanka uu mas’uul ka yahay xogaha sirdoonka ee lala wadaago saaxiibada caalamiga ah, taasoo uu ula jeeday in xogta lagu beegsaday caaqilka laga yaabo in ay ka timid Puntland.

Fiqi wuxuu sheegay in dowladda federaalka ay markii ugu horreysay ku ogaatay dhacdadan baraha bulshada, kadib markii dadka deegaanka ay soo faafiyeen sawirrada gaadhiga caaqilka oo duqeyntu haleeshay.

Wuxuu intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay baaritaan ku samayn doonto dhacdadan, si loo ogaado cidda mas’uulka ka ahayd weerarka iyo sababta loo beegsaday caaqilka.

Fiqi ayaa Qiray in Caaqilku uu ahaa Nin la heli karay oo lasoo qaban karay xitaa hadii uu tuhun soo galo.

Ciidanka AFRICOM ee Maraykanka ayaa hore u sheegay in ay kala kaashadeen dowladda federaalka iyo Ciidanka Soomaaliya duqeyn hawlgal  oo ay  ka fuliyeen aaga Badhan, iyagoo ku eedeeyay bartilmaameedkoodu inuu ahaa nin hub sharci-darro ah u soo iibin jiray Al-Shabaab. Hase yeeshee, Al-Shabaab ayaa si cad u beenisay eeddaas.

Dowladda Puntland ayaan illaa iyo hadda ka hadlin dilka caaqilka, kaas oo la sheegay inuu la kulmay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni maalmo yar ka hor inta aan la dilin.

Warbixin ay heshay Sahan Post ayaa tilmaamaysa in dilka caaqilka uu xambaarsan yahay arrimo siyaasadeed, maadaama falcelinta dowladda federaalka iyo tan maamulka Puntland ay muujinayso in dhacdadani ay leedahay dhinacyo siyaasadeed oo qarsoon oo aan weli bulshada iyo dadka lala wadaagin.

Sahan Post

info@sahanpost.com


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading