Raiisul Wasaare Barre oo Daahfuray Mashruuca Qaranka ee ‘Rajo Kaaba’ si Haweenka Soomaaliyeed Loogu Xoojiyo Waxbarashada

MUQDISHO (Sahan Post): Raiisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ah si rasmi ah u daahfuray mashruuca “Rajo Kaaba” oo ah barnaamij qaran oo deeqo waxbarasho siiya haweenka Soomaaliyeed ee doonaya inay dhigtaan heerka Master-ka.

Barnaamijkan, oo lagu daahfuray xaflad ka dhacday Muqdisho, ayaa lagu dhiirrigelinayaa ka-qaybgalka haweenka ee waxbarashada sare, kor u qaadista xirfadaha aqooneed, iyo xoojinta hoggaankooda bulshada.

Raiisul Wasaare Barre ayaa sheegay in mashruucan uu qayb ka yahay qorshaha ballaaran ee dowladdiisa DanQaran, kaas oo xooga saaraya sinnaanta iyo horumarinta awoodda aadanaha ee dalka.

“Waxbarashadu waa furaha nolosha iyo horumarka,” ayuu yiri Raiisul Wasaaruhu, isaga oo ku tilmaamay “Rajo Kaaba” tiir muhiim u ah barnaamijka isbeddelka qaran. Wuxuuna ugu baaqay haweenka Soomaaliyeed inay door muuqda ka qaataan hogaaminta iyo doorashooyinka soo socda ee dowladaha hoose.

Ugu dambeyn, Raiisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed dadaalkooda joogtada ah ee lagu tayeynayo waxbarashada, si ay ula jaanqaado dhaqanka iyo diinta sharafta leh ee bulshada Soomaaliyeed.

Sahan  News Desk

info@sahanpost.com


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading