Tobanaan kun oo Swedish ah oo ku deeqa jidhkooda, iyo sida loo isticmaalo.

Stockholm (Sahan Post):-Sida ay tebisay warbaahinta Radio Sweden qeybta culuumta, tobanaan kun oo Swedish ah ayaa ku deeqa jidhkooda markii ay dhintaan ka dib.

Ugu yaraan afar meelood ayay jaamacadaha Sweden ku kaydiyaan jidhka loogu deeqay, Monica Sandberg oo qaabilsan qaybta deeqaha ee Jaamacada Uppsalla oo u warantay Raadiyaha Sweden ayaa usheegtay ugu yaraa in 1500 oo ku deeqay jidkhooda geerida ka dib ay iminka gacanta hayso faylashooda.

Hadaba dadkan jidhkooda oo dhan ku deeqaya ayaa waxay cabsi ka qabaan in ay gaboobaan sidaa darteed ay awoodi waayaan in ay bixiyaan xubnaha muhiimka ee jidh-kooda ka mid isla markaasna taas bedelkeed gebi ahaanba sadaqadaystay jidhka.

Hadaba maxaa lagu sameeya dad markay ku deeqaan jidhkooda. Sida ay Monica Sandberg mar labaad usharaxday raadiyaha, jidhadhkan ayaa loo adeegsadaa in ardayda jaamacadaha ka diyaariyaa culuumta caafimaadku iyo qaliinku ay adeegsadaan, sidoo kale cilmi baadhis ahaan ayaa loo adeegsadaa iyo in lagu barto habka jidhku banii aadanku u dhisanyaha oo u shaqeeyo.

Qaliimada is qurxinta ayaa iyana ka faa´iidaysta jidhadkhaan, sida loo dayactiro ama dib loogusoo hagaajin karo unugyada iyo qaybaha jidkha banii aadamka.

Boqolaal kun oo kale ayaa ku deeqa xubno kamid ah jidhkooda marka ay dhintaan si dadka kale oo nool balse qaybo ka mid ah jidhkoodu aanu shaqayn loo geliyo xubnaha ay ubaahan yihiin.

Sahan News Deska

info@sahanpost.com


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading