Bosaso (Sahan Post):- Wararka naga soo gaaraya Badda Cas ayaa sheegaya in burcaddii khamiistii gacanta ku dhigtay markabka Hellas Aphrodite ay ka degeen si buuxda uga deggeen markabka, iyada oo aan la soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo gaaray shaqaalihii saarnaa.
Markabkan oo ay la socdeen 24 shaqaale ayaa la sheegay in la haystay muddo kooban, balse xaaladdu ay hadda degan tahay.
Ciidamada xeebaha ilaaliya ee Midowga Yurub (EU Naval Forces) Khaasatan markab laga leeyahay Spain ayaa ku guuleystay in uu gaadho goobta lagu haystay markabka, taasoo keentay in burcaddii ay isaga cararaan iyaga oo aan wax dhaawac ah u geysan shaqaalaha markabka.
Koox burcad-badeed Soomaali ah oo labo beri uun ka hor qabsaday markabkan ganacsi, ayaa iskood isaga degay markabkaas, kaddib markii shaqaalihii saarnaa ay kaga dhuunteen qolka badbaadada oo ah meel ammaan ah oo loo isticmaalo ilaalinta iyo badqabka marka ay jiraan xaalado degdeg ah ama khataro ay ka mid yihiin burcad-badeednimada.
Ilo amni ayaa sheegay in baaritaan rasmi ah lagu wado cidda ka dambeysay falkaas, iyo halka laga soo abaabulay weerarka burcadda.
Markabka Hellas Aphrodite oo sitay calanka Malta ayaa la sheegay inuu ku sii jeeday deked ku taalla dalka Koofur Afrika xilligii uu weerarku dhacay
Markabka oo lagu magacaabo Hellas Aphrodite ayaa xilligii afduubay marayay meel qiyaastaii 560 meyl u jirta xeebaha badweynta Hindiya ee Soomaaliya, waxaana kooxda afduubtay adeegsatay dooni kalluumeysi oo laga leeyahay Iiraan.
Sahan News Desk
info@sahanpost.com
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.