Ciidan ay taageerto Dowladda Federaalka oo dhoolatus ku sameeyay Garowe

Garowe (Sahan Post):- Ciidan lagu sheegay in ay taageerto dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhoolatus ciidan ku sameeyay duleedka magaalada Garowe, taasoo kusoo beegmaysa iyadoo ay sii xoogaysanayaan xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya Mogadishu iyo maamulka Puntland.

Ciidamadan oo uu hoggaaminayo Jimcaale Jaamac Takar, islamarkaana loo yaqaan Danab Puntland, ayaa dhoolatuskooda ka dhigay saldhigga Ligle ee koonfurta Garowe. Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay kasoo qayb-galeen saraakiil xiriir la leh hay’adaha ammaanka ee federaalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa toddobaadkan u sheegay Aqalka Sare in dowladda federaalku ay ciidamo ka tiraan Federaalka ay joogaan gudaha Puntland, hase yeeshee Senator Cabdiraxmaan Faroole oo Garoowe lagasoo doorto iyo Wasiirka Warfaafinta Puntland Axmed Caydiid ayaa labaduba beeniyey arrintaas.

Ilo xog-ogaal ah ayaa u sheegay SahanPost in ka badan 2,000 askari oo ku sugan deegaanno ka tirsan Puntland ay mushahar ka helaan dowladda federaalka, kuwaas oo qaarkood hore uga tirsanaayeen Puntland Security Forces (PSF) iyo Ciidamada Daraawiishta Puntland balse Federaalku si dadban u shaqaalaysiiyey.

Xiisadda u dhexeysa Puntland iyo dowladda federaalka ayaa sii xoogaysanaysa, iyadoo maamulka Garowe uu ku eedeeyay Muqdisho in ay joojisay dhaqaalihii iyo taageeradii lagu bixin jiray mashaariicda maamulka. Siyaasada dalkana ay Dawlada Dhexe doonayso in Muqdisho laga maamulo.

Dhoolatuska ayaa loo arkaa fariin siyaasadeed oo muujinaysa sida ay u sii kala fogaanayaan xiriirka labada dhinac, iyadoo la cabsi qabo in ay dib uga qarxaan iska horimaadyo la mid ah kuwii hore uga dhacay Garowe iyo Boosaaso. Ee ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwan hada hoostaga dawlada

info@sahanpost.com

Jimcaale Takar oo Sheegta Taliyaha Danab Puntland

War saxaafadeed ay dhowaan soo saareen ciidankaasi


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading