Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Mohamud Gaadhay Algiers ee Dalka Algeria

Algiers, Algeria (Sahan Post): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Mohamud, ayaa maanta soo gaaray magaalada Algiers ee caasimadda dalka Algeria, isagoo ku gaaray booqasho rasmi ah oo uu casuumaad uga helay Madaxweynaha Algeria, Mudane Abdelmadjid Tebboune. Wafdiga Madaxweynaha oo heer sare ah ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Algiers.

Inta uu ku sugan yahay dalka Algeria, Madaxweyne Xasan Sheekh Mohamud ayaa lagu wadaa inuu la yeesho wadahadallo heer sare ah oo uu la yeelan doono Madaxweynaha Algeria, Abdelmadjid Tebboune iyo mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan dowladda Algeria. Wadahadalladan ayaa xooga lagu saari doonaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, ganacsiga, waxbarashada, iyo arrimaha diblomaasiyadda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii uu soo gaadhay Algiers uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Algeria ee soo dhoweeynta diiran ee ay u muujisay wafdigiisa. Waxa uu sidoo kale caddeeyay go’aanka Soomaaliya ee ah in la sii xoojiyo xiriirka qotada dheer ee labada dal, isaga oo tilmaamay in booqashadiisu ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo wada-shaqeynta labada waddan ee walaalaha ah.

Labada madaxweyne ayaa lagu wadaa inay saxiixaan heshiisyo dhowr ah oo loogu talagalay in lagu xoojiyo iskaashiga labada dal iyo dhisida xiriir buuxda oo ku saleysan wadajir iyo iskaashi. Booqashada Madaxweynaha Xasan Sheekh Mohamud ayaa calaamad u ah bog cusub oo lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Algeria, iyadoo labada dal ay si weyn u doonayaan inay dhisaan xiriir dhow iyo iskaashi faa’iido u leh labada dhinac.

Nagala xidhiid: info@sahanpost.com


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading