War Degdeg ah: Kenya oo ku guuleysatay kursigii Maxkamadda (ICJ) ee uu banneeyey Garsoore Soomaaliyeed

Nairobi, Kenya — Sahan Post | Dowladda Kenya ayaa ku guuleysatay kursi ka mid ah Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah (ICJ) ka dib markii uu shaqada ka tagay garsooraha Soomaaliyeed Cabdulqawi Axmed Yuusuf.

Doorasho si weyn loo tartamay oo dhex martay Kenya iyo Sierra Leone ayaa waxaa guushu raacday musharaxa Kenya, Garsoore Phoebe Nyawade Okowa, taasoo heshay kursi ka mid ah hay’adda garsoorka ugu sarreysa ee caalamka. Guushan ayaa loo arkaa mid dib u xoojinaysa saameynta Kenya ee arrimaha sharciga iyo diblomaasiyadda caalamiga ah.

Arrintan ayaa imaneysa iyadoo ay weli xusuusta kusii jirto murankii xadka badda ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo isla maxkamaddan ICJ ay go’aamisay sanadkii 2021,  go’aankas oo si weyn u dhaawacay xiriirka labada dal ee deriska ah inkastoo ay markii danbe ka heshiiyeen.

Dadka falanqeeya arrimaha gobolka ayaa sheegay in ku biirista Kenya ee ICJ ay muujinayso wejigii cusub ee iskaashiga dalkaasi la leeyahay hay’adaha sharciga iyo kuwa diblomaasiyadda ee caalamiga ah.

Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf, oo kursigan baneeyay, ayaa loo aqoonsan yahay khabiir heer caalami ah oo door weyn ku lahaa horumarinta garsoorka caalamiga ah, isagoo hore u ahaa madaxii ICJ intii u dhaxeysay 2018 ilaa 2021.

Xiriir: info@sahanpost.com
© Sahan Post


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading