Xarunta Ururinta Xogaha Badda oo Muqdisho Laga Furi Doono

Muqdisho (Sahan Post):- Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya Sarreeye Guuto, Admiral Cabdiwahaab Cabdullaahi iyo khubaro ka socota Italian Hydrographic Institute (IIM) ayaa si rasmi ah u daah furay qorshe lagu dhisayo laguna horumarinayo xarunta “Somali Oceano-Hydrographic Office (SOHO).

SOHO, oo noqonaysa xarunta cusub ee xog uruurinta badda, jaantusyada khariiradaha socdaalka, badbaadada maraakiibta, xogaha cimillada badda Soomaaliya iyo sugidda amniga xeebaha.

 

SOHO waxay sidoo kale noqon doontaa xarunta ugu weyn ee xog uruurinta badda ee Somaliya , qaybna ka qaadan doonta ilaalinta xeebaha iyo kheyraadka badda Soomaaliya.

Kulankan oo ah qorsho qaran waxaa lagu dhisay iskaashi farsamo, iyadoo la qorsheynayo tababar sare iyo qalab casri ah, si loo xoojiyo badbaadada maraakiibta, amniga xeebaha, awoodda badda iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka badaha Soomaaliya.

Mashruucan ayaaa hadii uu hirgalo wuxuu qeyb weyn ka qaadan doonaa lasocodka dhaq-dhaqaaqa adeegsiga xeebaha Soomaaliya iyo amaankooda.

 

info@sahanpost.com

Admiral Abdiwahab Abdullahi, Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya

 

 


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading