MUQDISHO (Sahan Post) :— In ka badan 35,000 qof oo dalbaday E-Visa Soomaaliya ayaa xogtooda la jabsaday, taasoo keentay in ugu yaraan 60 sirdoon shisheeye ay dalka ka baxsadaan 24 saacadood gudahood. Xogta la jabsaday waxay ka koobnayd magacyo, sawirro, taariikhda dhalashada, cinwaano, iyo xaaladaha guurka.
Safaaradaha shisheeye ayaa digniin u diray dowladda Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamay nidaamka E-Visa mid aan ammaan ahayn. Puntland iyo Somaliland ayaa dadka ku booriyay in aysan adeegsan E-Visa-da, isla markaana fiisada ka qaataan garoomadooda, taasoo keentay jahawareer ka jira garoomada dalka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in jabsigu ahaa fal dambiyeed lagu sumcad-dilayo dowladda, isaga oo beeniyay in sirdoon shisheeye lagu bartilmaameedsaday.
Dhibaatada ugu weyn waxaa la kulmay muwaadiniinta iyo dadka safarka ku imaanaya, iyadoo khidmadaha fiisada la kordhiyay oo musaafiriinta laga qaadayo laba kharash, duulimaadkuna ay khalkhal ku yimaadeen, halka dowladda iyo maamul-goboleedyadu ay ku murmayaan dhaqaalaha ka soo xarooda nidaamka E-Visa iyo habka loo hirgelinayo.
info@sahanpost.com
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.