Muqdisho (Sahan Post):- Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa markii ugu horraysay caddeysay in la jabsaday nidaamka dal-ku-galka elektaroonigga ah (E-Visa), taas oo keentay in la xado xogta kumannaan qof oo u safrayay Soomaaliya oo sirdoon ajaanib ah ku jiraan. War-saxaafadeedka hay’adda ayaa lagu sheegay in la qaaday tallaabooyin degdeg ah oo lagu hakiyay adeegga laguna bilaabay baaritaan si loo yareeyo saameynta.
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in arrintan loo magacaabay guddi heer qaran ah oo ka kooban hay’adaha amniga, khubaro caalami ah iyo hay’adaha ilaalinta xogta si ay u baaraan faragelinta iyo nuglaanta nidaamka. Hay’addu waxay ballan qaaday in marka baaritaanku dhamaado la soo bandhigi doonaa warbixin dhammeystiran.
Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa dhowaan shaacisay in xogta ku dhowaad 35,000 qof, oo ay ku jiraan muwaadiniin Maraykan ah, la xaday intii lagu guda jiray jabsiga.
Shaacintan ayaa ku soo beegantay iyadoo nidaamka E-Visa uu hore u sababay jahwareer ballaaran, gaar ahaan dadka u socdaalaya Puntland iyo Somaliland, kuwaas oo la kulmay lacago aan nidaam lahayn, musuqmaasuq iyo amarro iska hor imaanaya oo ka imanaya hay’adaha duulista. Qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ayaa lagu amray in aanay qaadin qof aan wadan E-Visa, halka Puntland iyo Somaliland ay ku booriyeen dadka u socdaalaya inay fiisada ka qaataan garoomada Hargaysa iyo Garowe.
Khalkhalkaas ayaa saameyn ku yeeshay bedqabka hawada Soomaaliya, iyadoo dhowr duulimaad la kulmeen amarro isburinaya todobaadkii lasoo dhaafay.
Khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada ayaa sii xoogeysanaya, gaar ahaan dhaqaalaaha kasoo xarooda E-Visa oo gacanta dowladda dhexe ku kooban. Arrintan ayaa keentay in qaar ka mid ah muwaadiniinta oo hore u bixiyay lacagta E-Visa mar labaad lacag looga qaado Garowe iyo Hargaysa.
Dadka falanqeeya ayaa sheegaya in nidaamka E-Visa uu noqday arrin siyaasadaysan, iyadoo wasiirro federaal ah si cad u weerareen Somaliland, halka Puntland ay ku amartay in aan dadka u soo socdaa goboladeeda soo qaan soo E-Visa-da federaalka.
Ugu dambayn, dadka ugu badan ee dhibaatadu ku dhacday waa shacabka iyo musaafiriinta, maadaama la jabsaday xogta ku dhowaad 35,000 qof, oo ay ku jiraan dad lagu tuhunsan yahay in ay ahaayeen sirdoono shisheeye oo qarsoodi uga howlgalayay dalka. Dad badan ayaa ku baaqaya in dowladda Federaalka ay mudnaanta siiso adkeynta ammaanka dijitaalka ah, wada-shaqeynta maamulada, iyo dib u habeynta nidaamka si loo soo celiyo kalsoonida shacabka.
info@sahanpost.com

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.