Dhaadaar (Sahan Post):- Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Cabdi Faarax Juuxa ayaa safar shaqo ku tegay deegaanka Dhaadaar ee degmada Qandala. Wasiirka ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyay Wasiir Dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifataax Maxamed Abdinur iyo Wasiir ku-xigeenka Gargaarka, Axmed Siciid Ismaaciil Qolanbi.
Ujeedada safarka ayaa ahayd dhiirrigelinta ciidanka difaaca Puntland oo howlgaladii ugu dambeeyay ka waday gobolka Bari. Wasiiradu waxay sidoo kale u kuurgaleen xaaladda guud ee deegaanadii laga xoreeyay kooxaha argagixisada.
Waftiga ayaa mudnaan gaar ah siiyay xog-waraysiyada ay la yeesheen dadka deegaanka, iyagoo ka dhageystay cabashooyinkooda, baahiyahooda, iyo xaaladaha amni ee ka jira Dhadaar. Tani waxay qayb ka tahay qorshaha xukuumadda ee dib u soo celinta adeegyada aas-aasiga ah.
Intii ay ku sugnaayeen deegaanka, xubnaha waftiga ayaa kulan la qaatay Wasiirka Amniga Puntland, Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bakiin), iyo Guddoomiyaha degmada Qandala, Axmed Yuusuf (Khuurshe). Saraakiisha ciidamada ayaa sidoo kale warbixin kaga siiyay goobaha laga saaray kooxaha hubeysan.
Odayaasha dhaqanka, haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Dhadaar ayaa si diirran ugu soo dhoweeyay waftiga. Waxayna ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda taageerada dowladda iyo joogteynta nabadgelyada si dib loogu soo celiyo noloshii caadiga ahayd ee deegaanka.
info@sahanpost.com



Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.