Puntland iyo ICRC oo Kawada Shiray u Qaaraamida Qaxootiga Cal-Miskaad

Garoowe (Sahan Post):- Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi uu hoggaaminayo Madaxa Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ee Soomaaliya, Mudane Antoine Grand.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iyo ballaarinta barnaamijyada hay’adda ICRC ka wado Puntland, iyadoo mudnaanta la siinayo dadka colaaduhu saameeyeen, gaar ahaan Calmiskaad, waxaana sidoo kale la isla qaatay in gurmad iyo gar-gaar  bini’aadannimo la gaarsiiyo dadka ay saamyeen abaaruhu.

Kulanka waxaa ka qayb galay wasiirada Gargaarka, Shaqada iyo Shaqaalaha, Beeraha, iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Kulankan ayaa kusoo aadayaa iyadoo ay dad tiro badan ka soo barakaceen goobaha uu dagaalku ka socda, isla markaasna hay´adaha deeqaha bixiya uu hoos u dhacay dhaqaalihii la siin jiray si ay utaageeraan qaxootiga iyo barakacayaasha.

info@sahanpost.com


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading