Hal Qof oo Ku Geeriyoodey Mudaharaadyo Ka Socda Gaalkacayo

Gaalkacayo (Sahan Post):- Bannaanbaxa ka socda magaalada Gaalkacyo ayaa saacadihii la soo dhaafay sababay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed, kaddib markii rabshado dhaceen.

Bannaanbaxa ayaa sababay geerida wiil dhallinyaro ah oo ku dhintay isbitaalka wayn ee Gaalkacyo, halkaas oo xaalad halis ah lagu geeyay markii hore.

Muddo todobaad ka badan waxaa magaalada Gaalkacyo ka dhacayay bannaanbaxyo ay dhigayeen haweenka magaalada oo dalbanaya in ay caddaalad hesho Saabiriin Saylaan oo 12-kii bishan la dilay, taas oo ilaa iyo hadda aan meydkeeda la aasin.

Maxkamadda darajada koowaad ee degmada Gaalkacyo ayaa maanta billowday dhageysiga gar-maqalka kiiska Saabiriin, waxaana maxkamadda la horkeenay labo eedeysan oo kala ah, Hodan Maxamuud Diiriye iyo seygeeda Cabdicasiis Nuur Xaashi, kuwaas oo loo heysto dilka.

Maalinta isniinta ee 24-ka bishaan ayaa mar kale la dhageysan doonaa kiiska marxuumad Saabiriin Saylaan, sida ay u muddaysay maxkamadda darajada koowaad ee degmada Gaalkacyo.

info@sahanpost.com


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading