Warbixin Dhamaystiran: Dawcada Eedaysane Hodon, Ninkeedii Nuur Xaashi oo ku eedaysan dilka gabadh 14 jir ah.

Hodon Muse Diriye, oo lagu eedeyey dilka Saabiriin Saylaan C/le Wees. Maxkamada Derejada Kowaad ee Gaalkacayo, Mudug.

Gaalkacayo (Sahan Post):- Maxkamadda Darajada Koowaad ee degmada Gaalkacyo ayaa maanta bilowday dhageysiga kiiska gabadha yareyd Saabiriin Saylaan C/Le Wees ee lagu dilay Gaalkacyo 12-kii bishan, iyadoo loo soo xiray laba eedeysane oo kala ah nin iyo xaaskiisa.

Hodon Muuse Diiriye iyo C/Casiis Nuur Xaashi Calan ayaa u eedaysan dilka Saabiriin Salylaan iyadoo eeda ugu weyn ayaa loo cuslaynayo Hodan Maxamuud Diiriye, taas oo lagu eedeeyay jirdilka sababay geerida Saabiriin Saylaan.

Xeer Ilaalinta gobolka Mudug ayaa maxkamadda horgeysay caddeymo muhiim ah oo badankood ka soo baxay mobilka eedeysanaha Hodan. Muuqaalladaas la soo bandhigay ayaa muujinaya tacaddiyo joogto ah iyo jirdil gabadha loogu geystay, kuwaas oo ugu dambeyn sabab u noqday dhimashadeeda.

Hodan Maxamuud Diiriye oo maxkamadda ka hadashay ayaa sheegtay in tacaddiyada gabadha gaaray ay ku dhacayeen xilli ay miyir-beel ku sugnayd. Waxay intaas ku dartay inay qabto xanuun keena inay waaydo miyirka, taasna ay sabab u tahay inaysan garan qaabka ay wax u dhaceen.

Muuqaalada lagusoo bandhigay maxkamada ayaa waxaa ka mid ahaa, jidh-dil, madaxa dhaawac kaga ayaal, tinta oo laga xiiray, iyadoo labo dible loo xidhay iyo korkeeda ay ka muuqdaan nabaro aad u cul-culus.

Hodon ayaa inta badan cadaymaha la keenay maxkamada iska diiday, iyadoo sheegtay in mobil-keeda aanay ku jirin sawirada cadaymaha la keenay.

Eedeysanaha labaad Cabdicasiis Nuur ayaa kiiska ku lug yeeshay kadib markii Hodan ay u sheegtay in gabadhu aanay soo kicin. Dacwadda ayaa weli socota, waxaana bulshada ay si dhow ula socdaan sida maxkamaddu u maareyn doonto kiiskan culus oo sababay dareen xooggan iyo baaqyo caddaaladeed.

Kiiskan ayaa wuxuu Soomaalida dhexdeeda ka abuuray cadho tiro badan iyadoo axmaqnimada dhaawacyada sababay ay noqdeen wax aan geli karin caqliga ban´aadamka.

info@sahanpost.com


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading