Faah-faahin, Sababta Maxkamadda EACJ u Hakisay Dhaarinta Xildhibaannadii EAC Soomaaliya

Arusha, Tanzania  (Sahan Post):— Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika (EACJ) ayaa amaro ku meelgaar ah ku joojisay dhaarinta sagaalka xubnood ee Soomaaliya u soo magacaawday Baarlamaanka Bariga Africa oo hore muran uga taagnaa gudaha Soomaaliya, inta laga dhageysanayo dacwad ka dhan ah habkii doorashadooda.

Dacwadda oo ay gudbiyeen saddex muwaadin Soomaaliyeed ayaa ku doodaya in doorashadii October 2025 ay jebisay Qodobka 50-aad ee Heshiiska EAC, kaas oo dalbanaya in xubnaha Baarlamaanka Bariga Africa lagu soo doorto si hufan, tartan leh oo matalaad ballaaran yeelata. Eedeyntu waxay sheegaysaa in habka doorashada ay si weyn u maamuleen Xisbiga Justice and Solidarity Party (JSP), isla markaana uu u janjeeray beelaha awoodda siyaasadda ku dhow.

Maxkamaddu waxay sheegtay in dacwadda loo gudbiyey ka hor inta aan la dhaarin, taasoo siisay awood ay ku farageliso. Garsoorayaashu waxay ka digeen in dhaariynta xubnaha ka hor inta go’aan laga gaarin ay dhaawac aan la sixi karin u geysan karto sharcinimada Golaha.

“Waxaa la mamnuucay in la dhaariyo ama la aqoonsado sagaalka qof ee ay Soomaaliya magacaawday 16-kii October 2025,” ayaa lagu yiri amarada maxkamadda.

Soomaaliya ayaa doorashadeeda EALA markii ugu horreysay qabatay October 2025, kaddib markii ay ku biirtay EAC bishii Maarso 2024. Hase yeeshee, dacwad-oogayaasha ayaa ku doodaya in geeddi-socodku uusan ahayn mid dhab ah oo tartan iyo hufnaan leh.

Maxkamaddu waxay sheegtay in dacwaddu leedahay sal adag, isla markaana waxyeellada ka dhalan karta dhaarinta xubno suurtagal ah inaan si sharci ah loo dooran aysan ahayn mid magdhow lagu xallin karo. Sidaas darteed, waxay doorbiday in la ilaaliyo xaaladda hadda jirta — oo ah in Soomaaliya aysan weli wakiillo ku lahayn EALA — inta dacwadda si degdeg ah loo dhageysanayo.

— Sahan Post

info@sahanpost.com


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading