
Muqdisho (Sahan Post):- Laamaha ammaanka Magaalada Muqdisho oo hawlgallo ka sameeyey degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay haweeney ku eedeysan dilka ninkeeda.
Ciidamada ayaa howlgal ay ka sameeyeen gudaha xaafadaha degmada Dayniile ayaa laamaha ammaanku ku soo qabteen Faadumo Maxamed Cismaan oo ku eedaysan inay mindi ku dishey seygeeda.
Ciidanka ammaanka ayaa sheegay in haweeneydaani ku eedaysan tahay dilka marxuum Xasan Maxamed Nuur, kaasoo la tilmaamay inuu dhintay dhaawac culus oo kasoo gaaray toorey ay ku dhufatay xaaskiisa.
War qoraal ah ka soo baxay Taliska Booliiska gobolka Banaadir lagu sheegay in laamaha amaanka ay wali wadaan baaritaan la xariira sababaha rasmiga ah ee keenay dilkan, islamarkaana haweeneyda la horkeeni doono Maxkamadda.
Dilalka iyo waxyeeleyn dadka isu dhaxay, shaqaalaha iyo birimagaydada ayaa beryahan aad ugusoo badanaya Soomaaliya, taasi oo loo aanayn karo xaaladaha qalafsan ee dalka kajira iyo duruufaha dayaca iyo wax la´aantu sababeen sidoo kale cudurada ku dhaca dhanka dhimirka oo aan weli wax badan laga fahansanayn gudaha Soomaaliya.
info@sahanpost.co
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.