
Kismaayo (Sahan Post):- Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qaabilay safiirka dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, Danjire Richard H. Riley, iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Madaxweyne Axmed Madoobe iyo safiirka Maraykanka ayaa la sheegay in ay wadahadleen arrimaha amniga, xaaladda guud ee siyaasadda dalka, geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo taageerada dowladda Maraykanka ee mashaariicda horumarineed.
Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubaland ayaa lagu yiri “madaxweynaha dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qaabilay safiirka dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, Danjire Richard H. Riley, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho shaqo ku yimid Jubaland”.
“Intii uu socday kulanka, oo ay madaxweynaha ku wehliyeen wasiirka arrimaha gudaha iyo wasiirka qorsheynta & xiriirka caalamiga ah, ayaa si qoto dheer looga wadahadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan arrimaha amniga, taageerada Dowladda Maraykanka ee mashaariicda horumarineed, iyo xaaladda guud ee siyaasadda dalka iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya” ayaa la raaciyay.
Magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa in 10-ka bishan Diseembar uu ka dhaco shir ay yeelanayaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubbaland iyo Madasha Samatabixinta, kaas oo lagu dhammeystiri doono qaab-dhismeedka golaha, sidoo kale waxay uga arrinsan doonaan go’aannada ay ka qaadanayaan xaalada kala guurka ah ee dalka, sida ay ku sheegeen bayaankii Nayroobi ee ay soo saareen bishii Oktoobar.
Dawladaha Ajnabiga ah iyo Siyaasiyiinta wadamada shisheeye ayaa gudaha Soomaaliya uga hawlgal si madax banaan iyagoo heer Federaalka iyo Heer maamul Goboleedba la kulma, si ay danohooda iyo siyaasadohooda uga fushadaan gudaha Soomaaliya, waxay ahayd usbuucii hore markii wafdiga AFRICOM ee Maraykanu uu usa maray Boosaaso iyo Berbera iyagoo si iskood u madax banaan la galay heshiisyo ay saldhigyo millitary kaga samaysanayaan deegaanadaasi.
Mustaqbalka Siyaasada Soomaaliya ayaan la saadaalin karin iyadoo dawlada Dhexe ay ku mashquulsan tahay uun siyaasado ugaar iyo udiyaar garowga doorashooyinka soo socda.
Sahan Post
info@sahanpost.com
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.