Koofur Galbeed oo dalbatay in loo soo gacan galiyo xildhibaan Daahir Amiin Jeesow

Baydhan (Sahan Post):- Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Dowladda Federaalka ka dalbaday in loo soo gacan geliyo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo Maamulku ku eedeeyay inuu hurinayo Colaad beelaadyo ka dhacay deegaanka Yaaq bari-weyne ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xassan Cabdulqaadir oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Xildhibaan Jeesow ay cadaalada horgeyn doonaan, isla markaana hay’adda ammaanka dowladda Federaalka ay ka codsanayaan inay usoo gacan geliyaan Jeesow.

Deegaanka Yaaq bari-weyne iyo degmada Wanlaweyn ayaa waxaa ka dhacay dagaalo khasaaro badan dhaliyay iyo dhacdooyin fool xun oo salka ku haayay aanooyin qabiil. Kuwasi oo galaaftay nolosha dad kor udhaafaya 20 qof, iyadoo dhacadadii ugu layaabka badnayd ay ahay markii la gubay nin kajiran dhimirka.

Macada sida Dawlada Federaalku uga jawaabi doonto dalabka wasiirka maamul goboleedka Koonfur Galbeed iyadoo la´ogyahay in Xildhibaan Jeesow uu haysato xisaanad baarlamaan, dhanka kale waxa jiray xildhibaan qayb ka ahaa hurinta colaadan oo ay ka mid ahay xildhibaanad Sareedo Maxamed Cabdalle oo laga soo doorto Baydhabo ma cada sababta Amiin Jeeso keliya loo bartilmaameedsanayo.

Sahan Post

info@sahanpost.com


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading