Shinbiraale iyo Daarusalaam oo Go´aamo Ka Gaadhay Illaalinta Deegaanka Halka Inta Badan Sanaag Dahabka Laga Shaqaysto.

Sanaag, wuxuu ka mid yahay gobolada Barwaaqo Sooranka ah Ee Soomaaliya

Shinbiraale (Sahan Post):- Bulshada deegaamada Shimbiraale, Degma khayr iyo Daaru Salaam ee gobolka Galbeedka Gobolka Sanaag ayaa si iskood ah ugu dhaawaaqay go’aamo ay ku ilaalinayaa bilicda iyo ammaanka deegaanka.

Qaar kamid ah waxgaradka deegaamadaasi oo kulan yeeshay ayaa waxa ay shaaciyeen in guud ahaanba deegaamadooda ay ka mamnooceen jirista dhirta, shidista dhuxusha iyo noocyada kala duwan ee Maandooriyaha.

Go’aamadaan ayaa lagu saleeyey ka hortegista xaalufka deegaanka oo dhuxusho kaalin weyn ka qaadato iyo isticmaalka maandooriyaha Khamriga oo deegaamada qaar ka abuuray ammaan xumo iyo dhaqammo fasahaad ah.

Gobolada Sanaag iyo Haylaan ayaa aad loo illaaliaa deegaanka iyadoo inta badan laga mamnuucay goynta dhirta, shidista dhuxusa iyo goynta ama ka dhoofinta cawska ee gobolka.

Inta badan dadka dhalinyarada ah ee waagii hore duruufuhu ugeyn jireyn goynta iyo jarista dhirta ayaa maanta ka shaqaysta deegaanada macdanta ee gobolka Sanaag, halkaasoo boqolaal kun oo dhalinyaro ah u shaqato doonteen.

Sahan Post

info@sahanpost.


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading