Hub Hore Loogala Degey Markab Turkiga u Rarnaa oo Marlabaad Maleeshiyooyin Dib u Dheceen.

Bareeda (Sahan Post):- Badhtimhii Sanadkan ayaa Dawlad Goboleedka Puntland waxay gacanta ku dhigtay markab si qarsoodi ah hub kusoo gelinayey Soomaaliya, Intaan markabku gacanta Maamulkaas soo gelin ayaa maleeshiyooyin iyo qeyb kamid ah saraakiisa Puntland si sharci daro ah hub ugala degeen Markabkaas.

Hadaba Wararka ka imaanaya gobolka xeebta Raas-Casayr ayaa sheegaya in maanta lagu dhacay hubkii fudud oo laga soo aruuriyey shacabka kuwaas oo horay ugala degay Markabka Seaworld, ilo deegaanka ah ayaa tilmaamaya in koox hubaysan ay weerareen goob hubka lagu keydiyay.

Markabka Seaworld ayaa bilowgii sanadkan lagu qabtay deegaanka Bareeda, waxaana uu siday hub iyo gaadiid ciidan. Puntland ayaa markabkan la wareegtay, balse markii dambe dib loo fasaxay kaddib markii heshiis laga gaaray.

Hubkii laga dejiyey Seaworld wakhtigaas wuxuu u gacan galay shacabka qaar, taasoo keentay in dowladda Puntland ay bilowdo olole ballaaran oo dib lagu uruurinayo. Ciidamada ammaanka ayaa howlgallo kala duwan ku soo qabtay hub badan.

Dhacdada maanta ka dhacday Raas-Casayr ayaa sare u qaaday walaaca ku saabsan ammaanka hubka dowladda haysatay. Maamulka gobolka iyo hay’adaha amniga ayaa sheegay inay baaritaan wadaan si loo ogaado cidda ka dambeysay iyo halka hubku ku danbeeyay.

Sahan Post

info@sahanpost.com


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading