Firdhiye oo Abwaanka U Magcaabay Gudoomiyaha Gudiga Abaaraha.

Laascaano (Sahan Post):-Hogaamiyaha Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa ku-xiegenkiisii Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaan) u magacaabay guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha maamulkaasi.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Firdhiye ayaa lagu magacaabay guddi ka kooban 16 xubnood oo uu guddoomiye u yahay Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, lana faray inay ka hawlgalaan u gurmashada bulshada abaartu saamaynta ku yeelatay.

Cabdulqaadir Axmed Aw-cali ayaa sheegay in guddigaani u xil-saaran yihiin u qareemidda, wax ka qabashada iyo u gurmashada shacabka ay abaaruhu saameeyeen ee ku sugan deegaamada uu ka arrimiyo maamulka Waqooyi Bari. Gudigan uu Abwaanku Hormuudka u Yahay ayaa waxaa kujira inta badan xubnaha wasiirada maamulkaasi.

Maamulka Waqooyi Bari oo aan buuxin shuruudihii Maamul Goboleednimo ayaa inta badan lagu eedaa in Dawlada Federaalku ay u aasaastay dano siyaasadeed, balse ay u egtahay in ay iminka ka maarantahay kadib markii siyaasadii loo aas aasay socon weydey, hogaanka iyo bulshada Sanaag ayaa gebi ahaanba maamulkan qaadacay iyagoo xubno magaca Sanaag sita ay si iskood ah uga mid noqdeen maamul bishii 9 aad lagusoo dhisay Laascaanood.

Hogaanka Maamulka ayaan weli la caleemo saarin iyadoo loo aanayno in dawlada Federaalku ay kala laabatay kharashaadkii caleemo saarka.

Sahan Post

info@sahanpost.com


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading