Garoowe (Sahan Post):- Dilka naf waydaarsiga ayaa beryihii u danbeeyey aad ugusoo badanayey gudaha Soomaaliya, iyadoo bilkast boqolaal qof nafta loo dhaafiyo khilafaad ama isfahan waa lagu xalin karey si aan ahayn dil, hadaba iyadoo arinkaasi laga duulayaa ayaa odayaasha iyo waxgaradka gobolka Nugaal ayaa ku hawlan dhaqangelinta heshiiskii nabadda bulshooyinka gobolku ku qaateen dilalka sii badanaya, boobka dhulka iyo qodobo kale oo Garoowe lagu saxiixay.
Guddiga oday dhaqameedka ee qaabilsan faafinta heshiiska ayaa gaarsiiyey dhammaan xafiisyada ay qusayso ee dowladda, waxaana ay sheegeen in wixii hadda ka dambeeya ay si wadajir ah u fulinta doonaan dowladda iyo oday dhaqameedka gobolka Nugaal.
Caaqil Abshir Cali Halow oo kamid ah guddiga hawsha gacanta ku haya ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya qofkasta oo si badheed ah dil u geysta tiirka la geyn doono aysanna jiri doonin diyo ama mag qabaa’iladu ka bixin karaan.
“Meel kale oo la aadi doono majirto maanta qofkii halkaas qof kale kas ugu dila tiirka ayuu la sheekaysanayaa, dowlad, ciidan iyo maxkamadihii waa loo haystaa odayaashiina waa garab taagan yihiin”, Ayuu yiri Caaqil Abshir Cali Halow.
Xeerka Ciqaabka Soomaaliyeed iyo Diinta Islaamka oo lagaga dhaqmo Puntland iyo Qaanuunka Maamul Goboleedkaasiba waxay dhiiri gelinayaa in qofkii qof dila ladilo, balse inta badan arinkan waxaa hor istaaga beelaha iyo oday dhaqameedyada oo ku dhameeya hab is fahan ah oo aan marna taageersanayn qawaaniinta bulshada. taas ayaa sii badisay oo dhiiri gelisay in dad badan la dilo kadib markii ciqaabuhu ay yaraadeen.
Dhanka kale xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed oo aad u da´weyn ayaan wax isbedel ah lagu samayn in mudo ah,
Sahan Post
info@sahanpost.com
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.