Xukuumada Federaalka Oo Ansixisay Xeerar uu Ka Mid Yahay Xeerka Ciqaabta.

Muqdisho (Sahan Post):- Golaha wasiirada xukuumadda federalka ah ee Somalia oo uu hormuud yahay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa maanta yeeshay kulan muhiim ah oo ay kumeel mariyeen Hindise sharciyeedka xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo qodobo kale.

Qoraal ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shirka lagu meel mariyey waxka beddel lagu sameeyey Hindise Sharciyeedka Xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, kadib markii uu kasoo gudbay la tashiyo balaaran oo lagala yeeshay culumada, bulshada rayidka ah iyo sharci yaqaano, lana waafajiyay Diinta Islaamka, Dastuurka dalka iyo xeerarka caalamiga ah ee dhanka xuquuqda aadanaha.

Sharcigaan ayaa siweyn u qeexaya ciqaabaha ay maxkamadaha rayidka iyo millatarigu la tiigsanayaan shaqsiyaadka ku eedaysan dunuubta kala duwan, waxaana waafajintiisa shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, diinta Islaamka iyo xeerarka qabaabilada Soomaalida qaar isku maamulaan ay ahayd qodobada ugu adag ee aan la taaban tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliyeed.

2.⁠ ⁠Hindise Sharciyeedka dhismaha Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka.

3.⁠ ⁠Hindise Sharciyeedka Sharciga Ciqaabta Soomaaliya.

4. Axdiga Caalamiga ah Baadi-goobka iyo Samatabixinta Badda.{Axdiga Sar 1979}

5. Axdiyada Geneva 12 August 1949 [Additional Protocols ]

Dhanka kalena, golaha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa dood ka yeeshay xaaladda ammaan ee doorashooyinka golayaasha deegaanka oo loo madlan yahay inay qaybo kamid ah gobolada dalka ka qabsoomaan sanadka cusub ee 2026.

Sahan Post

info@sahanpost.com


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading