
Garoowe (Sahan Post):- Bangiyada gaarka loo leeyahay ee Puntland ayaa markii ugu horreysay sameystay dallad ay ku mideysan yihiin oo ka shaqaysa wada shaqaynta bangiyada, danaha guud ee ka dhexeeya iyo mideynta dadaalkooda horumarinta bulshada.
Munaasabad ka dhacday Garowe ayaa lagu doortay guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka Dallada Bangiyada Puntland, waxaana ka qaybgalay bangiyada kala ah; Dahabshiil Bank, Salaam Bank, Amal Banka, Priamer Bank, IBS Bank SomBank iyo Daryeel Bank.
Guddoomiyaha waxaa u tartamay Cali Siciid Maxamuud oo ka socday Dahabshiil Bank iyo Khaliif Maxamed Jaamac oo ka socday Salaam Bank, waxaana cod qarsoodi ah lagu doortay Khaliif Maxamed Jaamac oo noqday guddoomiyaha cusub ee Dallada Bangiyada Puntland.
Guddoomiye ku-xigeenka dallada ayaa loo doortay Cali Cabdiqaadir Ciise oo kaligiis u tartamayay booskaas kana socday Amal Bank.
Sahan Post
info@sahanpost.com
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.